Gobolada Jamhuuriyada Somaliland (Af Ingiriis : Regions of Somaliland) waa gobolada dowliga ah ee Jamhuuriyada Somaliland. Sida caadiga ah, dowlada Somaliland oo ku dhawaaqdey madaxbanaanideeda sanadkii 1991kii ayaa waxay ka koobnayd shan gobol tan iyo wakhtiyadii dowladii Maxamed Siyaad Barre. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dowladu ku dhawaaqdey lix gobol oo cusub kuwaasi oo ka dhex samaysmay shantii gobol ee loo yaqaaney Waqooyiga Soomaaliya.[1]

Regions of Somaliland (Af-Ingiriisi)
Gobollada Somaliland (Somali)
مناطق صوماليلاند
(Af-Carabi)
QeybtaJamhuuriyadda midaysan
WadankaJamhuuriyadda Somaliland
Created2009
Tirada6 Gobol (as of 2011)
Bulshada327,428 (Sool) — 1,242,003 (Maroodi Jeex)
(2014 estimates)
AreasLama yaqaan
Maamulka SareMaamulka gobolkadda
Maamulka hooseDegmo

Warbixin

 
Gobolda hore ee Somaliland ila 2011

Gobolada somaliland intii u dhaxaysa 22 maarso ilaa 22 may, 2008, waxa uu madaxwaynihii horore ee Somaliland magacaabay gobolo cusub oo lagu daray goboladii hore ee lixda ahaa taas oo kadhigatay gobolada somaliland 13 gobol, gobolda cusub ee kuwii hore lagu daray waxa ay yihiin. 2011 ila 2015 Gobolada Somaliland waxay noqdeen 6 gobol kuwas oo ah Awdal, Maroodi Jeex, Sool, Saaxil iyo Sanaag

Sharaxaad

Tan ilaa horaantii qarniga 21aad waxaa muran uu ka dhex taagnaa gobolada Somaliland ee Sool, Sanaag iyo degmadda Buuhoodle ee gobolka Togdheer kuwaasi oo ay sheegty maamulka Puntland ee Soomaaliya.[2] Intakasto oo ay Somaliland boqolkiba 90% xukumto.

Taariikh

Intii u dhexaysay Maarso 22 iyo Maay 15, 2008, ayaa madaxweynihii wakhtigaas talada hayay Daahir Rayaale Kaahin ku dhawaaqay samaynta lix gobol oo cusub oo laga dhex sameeyay kuwii horay u jiray. Waxyar ka dib, markey taariikhdu ahayd Maay 15, 2008, ayaa madaxweyne Daahir Riyaale Kahin mar labaad ku dhawaaqay gobol cusub oo loogu magacdaray Hawd kaasi oo noqdey gobolka 13aad ee dowladaas.[3]

Gobolada

# Gobol Magaalo Madax  
1 Awdal Boorama
2 Maroodi Jeex Hargeysa
3 Saaxil Berbera
4 Togdheer Burco
5 Sanaag Ceerigaabo
6 Sool Laascaanood

Sidoo kale fiiri

Linkiyo kale

Tixraac

  1. . Garowe Online. 02-05-2012 http://allafrica.com/stories/201202062200.html. Soo qaatay 20 July 2012.  Hubi qiimaynta taariikhda: |date= (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. "Somaliland's Quest for International Recognition and the HBM-SSC Factor". Waxaa laga kaydiyay the original 2012-05-28. Soo qaatay 2021-08-09.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  3. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 7 December 2008. Soo qaatay 8 August 2016.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
Gobolada Somaliland  
Awdal | Maroodi Jeex | Sanaag | Sool | Togdheer | Saaxil