Nafaaqodarro
Cunto xumida (ingiriisiga (Malnutrition) waa cuntada oo sixun oo qaabdaran loo isticmaalo amaba aan in kufilan lacunin oo ay yaraato taasoo dhibaatooyin u keenta jidhka bini aadamka.
WHO ayaa ku dhawaaqday in ay gacanku leedahay ugu yaraan kala bar 10.4 milyan oo carruur ah oo sannad walba dhinta. [1] Waxaa jira ugu yaraan 1 bilyan oo sabool ah oo la nool nafaqodarro joogto ah[2] Nafaqoxumada ayaa sababtay dhimashada qiyaastii 3.1 milyan oo carruur ah sannad walba. Sannadkii 2011, tani waxay sababtay qiyaastii 45 boqolkiiba dhammaan dhimashada carruurta adduunka oo dhan.[3]
Meelaha ay saamaynta kuyeelato
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waddamada Africa ayaa saamayn wayn ay ku yeelatay hoos u dhaca dhaqaalaha aduunka, iyadoo ay yaraatay lacagtii ka soo gali jirtay waxyaabaha ay dhoofiyaan sida shidaalka iyo qayraadka kale ee dabiiciga oo qiimahoodii uu hoos u dhacay.
Sidaas darteed ayaa wadamada Africa waxaa qasab ku ah inay amaah deg deg deg ah ka qaataan hay'addaha lacagaha ee caalamiga sida Bangiga Hor u marinta Africa.
Ganacsiga Mohamed Hassan oo ah sarkaal ka tirxsan Bangiga Horumarinta Africa qayb teeda amaahda siisa shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaan ka waraystay sida uu bangiga amaahda u bixiyo.
Cunto la'aanta Kenya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dalka Kenya waxaa ka jira abaaro aad u ba'an oo saameeyey dad tiradooda lagu qiyaasayo ilaa toban milyan. Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa xaaladda dalka ka jirta ku tilmaamey masiibo qaran oo u baahan in beesha caalamka ay gacan ka geysato sidii loola tacaali lahaa.
Qaramada midoobey iyo hay'addaha kale ee gargaarka ayaa sheegey in xoolo dhaqato farabadan ay iyaga iyo xoolahooda ka hayaameen waqooyiga Kenya, isla markaana ay gaareen qeybo ku yaala dalka Ethiopia si ay daaqsiin wanaagsan iyo biyaba uga helaan.
Haddaba xaaladdaasi abaaraha iyo cunto yarida ka sii dareysa ayaa, golaha wasiirada ee Kenya waxay shir ay magaalada Nairobi ku yeesheen waxay kaga dhawaaqeen talaabooyin degdeg oo wax looga qabanayo xaaladan intaaney faraha ka bixin.
Talaabooyinka la qaadayo waxaa ka mid ah in la bilaabo barnaamij si lacag la'aan ah loogu quudinayo malaayin dad ah, waxaana barnaamijka cunto qeybinta ka qeyb qaadan doona ciidamada dalka.
Rajo Dhab ah oo Berri Fiican
[wax ka badal | wax ka badal xogta]„Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda.” Cunto badan oo nafaqo leh: “Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii, waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.” Macnaha mustaqbalka: Qof kastaa wuxuu heli doonaa cunto badan oo caafimaad leh. Ma jiro qof seexan doona gaajo ama nafaqodarro - ma sii jiri doonto.[4]